Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

QM oo fariin u dirtay Madaxda Soomaalida ka dib laalidii go’aankii muddo kororsiga

Qaramada Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ka noqoshadii uu Aqalka hoose ee Baarlamaanka ku laalay muddo kororsigii labada sano ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

“Xaiska Q/Midoobay ee Soomaaliya wuxuu soo dhaweynayaa go’aankii baarlamaanka Federaalka ee ahaa in dib loo soo celiyo heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember kadib codsigii Maxamed Farmaajo Codsiga” ayaa lagu yiri qoraalka qoraal kooban oo ay soo saartay QM

Waxay kaloo Q/Midoobay ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay degdeg ugu noqdaan wadahadalka si xal kama dambeys ah looga gaaro arrimha doorashooyinka.

Qaramada Midoobay waxa ay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan; iyadoo la soo  dhoweynayo doorka hoggaamineed ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo matalaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Hirshabelle

Cabdi Cade

Puntland & Jubbaland oo War wadajir ah ka soo saaray shirkii Afisiyooni (Akhriso)

Caydiid Ali

Erdogan oo dhigiisa Israa’iil u cadeeyay sida uu uga careesan yahay Weerka Masjidka Al-Aqsaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---