Allbanaadir.com
NEWS

Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta koobaad ka galay Tartan Quraan oo lagu qabtay Imaaradka (Daawo Sawirro)

Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa lagu soo gabo gabeeyay tartanka Quraan akhriska , waxaana tartankan oo ahaa mid caalami ah ka qeyb galay in ka badan 100-tartami oo ka kala socday wadamo kala duwan oo caalamka ka mid ah.

Axmed Burhaan Maxamed oo ah 16-sano jir Soomaali Mareykan ah ayaa tartankan ka galay kaalinta koobaad, waxa uuna Wiilkan Soomaaliyeed tartanka quraan akhriska ku matalayay Muslimiinta dalka Mareykanka.

Wiilkan Soomaali Mareykanka ah ayaa noqday qofkii ugu horeeyay oo Mareykanka matalaya oo ku guuleesta tartankan oo soo tixnaa mudo 22-sano ah, wiilkan ayaana quraanka ku bartay Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaala magaaladda Minneapolis.

Axmed Burhaan Maxamed ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay in uu kaalinta koobaad ku guuleesto tartankan caalamiga ah, waxa uuna u mahad celiyay Waalidiintiisa iyo macalimiintii quraanka soo baray.

“Waa dareen weyn iyo Natiijo aan la rumeysan Karin guushayda isbuucan, marna kuma fekerin inaan  guuleysan doono, waayo Tartanku waxa uu ahaa mid adag, laakiin, waxaan aad uga mahad celinayaa Ilaahay, Waxaa si gaar ah  u macaan inaad ogaatid inaan Aniga ahay qofkii ugu horreeyey oo Maraykan ah ee ku guuleysta halkan”.Ayuu yiri Axmed.

Wiilkan Soomaali Mareykanka ee kaalinta koobaad ka galay Tartanka Quraan akhriska ee lagu qabtay magaalada Dubai ayaa ku guuleestay lacag dhan 250,000 Dirham oo ah lacag ka badan 60-kun oo Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shaakir oo hadal adag kula hadlay Odayaasha Guriceel oo Codsi ula tagay

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare oo Jowhar u tegay fulinta hal qorshe oo ku wajahan Xildhibaanada ku kacsan

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha Jabhada TPLF oo Shuruud cusub ku xiray in ay hubka dhigaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---