War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa loogu digay guddoonka Golaha shacabka in ay qaadaan tallaabooyin lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka sidii dhacday.
Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, taasoo ay sheegeen in tallaabadan ay sahleyso dib u mideynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida ee u kala qeybsamay diidmada muddo kororsiga sharci darada ah.
Digniinta musharaxiinta u direen Gudoonka golaha shacabka ayaa kusoo aadaya xili soo baxayeen warar ku aadan in Xildhibaanada qoraheenayaan in mooshin xil ka qaadis ka gudbiyaan Raisul Wasaare Rooble.