Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ku dhowaad konton qof oo ku geeriyootay kulan diimeed ka dhacay Israel

Dad fara badan qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday xaflad diimeed ka socotay degaan ku yaalla waqooyi bari Israa’iil sida ay sheegtay heyada Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil.

Wargayska Haaretz ayaa sheegaya in ugu yaraan 44 qof ay dhimatay iyadoo adeegyada gurmadka degdegga ahna ay daad gureynayaan dadka dhaawacmay.

Mas’uuliyiinta gurmadka degdeg ah ayaa sidoo kale sheegay in tobanaan qof ee kale kale ay ku dhaawacmeen dhacdadaan.

Ilo wareedyo dhanka booliska laga helay ayaa u sheegay waragyeska Haaretz in is buurashadu bilaabatay ka dib markii qaar ka mid ah kaqeybgalayaasha munaasabadda ay ku siibteen dhulka,taasoo keentay in tobanaan kale ay iyaguna ku taraaraxaan dhulka .Munaasabaddaan ayaa sanad walba waxaa isugu yimaada kumanaan qof oo halka aku dabaal daga.

Munaasabadda oo la yirahdo Lag B’Omer oo ka dhacday dhul-dhaca Buurta Meron, waa bandhiggii ugu ballaarnaa ee lagu qabto Israa’iil tan iyo markii fayraska corona uu bilowday.

Raisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhacdada ku tilmaamay musiibo culus, wuxuuna sheegay inuu u duceynayo” dadka ay wax yeellada ka soo gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HgoApkldgMg

Related posts

DEG DEG: Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey heshiiskii laga gaaray doorashada

Caydiid Ali

Sheikh Dr. Cabdirisaaq Aadan Macallin oo kordhiyay duruusta diiniga ah ee uu jeediyo

Cabdi Cade

Rag doonayay in qaraxyo soo galiyay Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---