Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii Ciidamada Mucaaradka ku biiray oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo lagu bedelay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyihii  ciidanka booliiska saldhiga degmada Shabis Farxaan Jaray, oo dhawaan ku biiray ciidanka mucaaradka ee kasoo horjeeda mudo kororsiga dowlada.

Wareegto kasoo baxday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal Xijaar ayaa loogu magacaabay taliyaha cusub ee saldhiga degmada Shibis in uu noqdo  Shiikh Nuur Cabdullaahi Salaad oo horey u ahaa taliye kuxigeenkii saldhiga.

Taliyihii booliiska saldhiga Shibis ee dhawaan ku biiray ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa maalmo kahor xilkaasi loo magacaabay, kadib markii isbadal lagu sameeyay taliska booliiska Gobolka Banaadir.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska G/Banaadir ayaa dhawaan ku biiray ciidamada mucaaradka ee taabacsan musharaxiinta sidoo kale kasoo horjeestay mudo kororsiga, waxa ayna talaabadaasi khal khal iyo kala shaki galisay talisyada booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HgoApkldgMg

Related posts

Gudoomiye Yariisow oo xalay saqdii dhexe kormeeray fariisimaha ciidamada ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saameyn intee le’eg ayay yeesheen roobabkii ka da’ay Muqdisho? (Warbixin)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Shaacisay Sababtii Sheekh Muqtaar Roobow dhankooda uga soo goostay

admin
Taboola Ads ---