Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo ka hadashay Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho

Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay dagaaladii dhawaan qeybo kamid magaalada Muqdisho ku dhax maray Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada taabacsan Musharaxiinta mucaaradka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ugu magacaaban Al Shabaab Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay in ay la socdaan dagaaladii ka dhacay Muqdisho uu sheegay in dad shacab ah dhibaato kasoo gaartay sidoo kale lagu barakiciyay.

Waxa uu sheegay Sheekh Muuse Caraale in labada dhinac ee ku dagaalamay magaalada Muqdisho aysan wax maslaxo ama dan ah u heyn shacabka Muqdisho ayna isku heestaan danahooda gaarka ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir u qaabilsan Al Shabaab ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in aysan lakala safan dowlada federaalka iyo ciidamada taabacsan musharaxiinta mucaaradka ee isku heesta Muqdisho.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili ay hada qabowday xiisad dagaal oo u dhaxeeysay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamo kale oo katirsan dowlada balse taabacsan musharaxiinta mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HgoApkldgMg

Related posts

Kooxda Islamic Jihad oo War cusub ka soo saartay weeraradii ka dhacay Gaza

Caydiid Ali

Labada Aqal oo ansixiyay xubnaha guddiga doorashooyinka xlli foodo socotay

Cabdi Cade

Maamulka K/Galbeed oo amar cusub ka soo saaray Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---