Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo isbadal ku sameesay Go’aankii ay ku xiri laheyd Xeryaha Dadaab iyo Kakuma

Dawladda Kenya ayaa dib u dhigtay qorshe ay dooneysay in ay ku xirto xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma ay ku jiraan kumanaan qaxooti Soomaali ah oo dalka ka barakacay sanado kala duwan,

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi ayaa kulan ka yeeshay qorshaha Kenya ku xireyso xeryahan qaxootiga, waxa ayna labada masuul kawada hadleen sidii dib loogu dhigi lahaa  xiritaanka xeryahan.

Kulanka Uhuru iyo  Filippo Grandi kadib ayaa dowlada Kenya shaacisay in dib loo dhigay xeritaanka xeryaha Qaxootiag Kakuma iyo Dadaab , waxa ayna Kenya sheegtay inay xeryahan xiri doonto marka la gaaro  30-ka bisha Juun ee sannadka 2022-ka.

Guddi ka socda dawladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabi doona qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya.

Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay xilligan ku jiraan xeryaha Dadaab iyo Kakuma qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HgoApkldgMg

Related posts

Madaxweyne Biixi oo qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Aziz Yildirim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay Madaxda dowlad goboleedyada ka yiraahdeen dhameystirka dastuurka?

Caydiid Ali

Al-shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey degaanka Baar-sanguuni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---