Allbanaadir.com
NEWS

Kawaanka Hilibka ee Wardhiigley oo lagu wareejinayo Ganacsato laga iibsaday ! (Sawirro)

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Banaadir iyo kanĀ  maamulka degmada Wardhiigley ay si hoose ganacsato uga iibsadeen kawaanka hilibka iyo suuqa xoolaha ee degmada Wardhiigleey.

Dhulkan la iibiyay oo ka kooban 19-boos ayaa kuyaala kasoo horjeeda xarunta Degmada Wardhiigley, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in lacagta dhulka lagu iibiyay masuuliyiin kala duwan qeybsadeen.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay inĀ  lacagta lagu iibisay dhulkan danta guud ay qeyb sadeen Gudoomiyaha gobolka, Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley, Gudoomiye kuxigeenka Amniga , agaasimaha dhulka, agaasimaha Suuqyada iyo taliyaha saldhiga booliiska Wardhiigley.

Ganacsatada dhulkan laga iibsaday oo ka wal walsan xaalada kala guurka ah ayaa ka codsaday maamulka gobolka iyo kan degmada in si deg deg ah dhulka loogu wareejiyo lagana bur buriyo dhismihii hore ee kawaanka iyo Suuqa xoolaha Wardhiigley.

Maamulka degmada ayaana saakay bilaabay in cagaf galiyaan dhulkan danta Guud ee la iibsaday xiligan kala guurka ah si loogu wareejiyo dhulkaasi ganacsatadii lacagta laga qaatay si ay u bixiyaan lacago kale oo wali ku harsan ganacsatada.

Degmada Wardhiigley ayaa waxaa ka socda dhul boob xoogan, waxaana horey buuq uga dhashay dhul danguud ah oo katirsan Suuqa Siinay oo boobayeen masuuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Wardhiigley.

Xiligan kala guurka ah uu dalku galay ayaa maamulada iyo masuuliyiinta xilka haya waxa ay bilaabaan musuq maasuq, waxaana inta badan xiliyadan la iibsadaa dhulka danta guud ee dowladu leedahay iyada oo laga faa’iideesanayo marxalada kala guurka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HgoApkldgMg

Related posts

(Sawirro) Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka

Caydiid Ali

Duqii hore ee Muqdisho oo geeriyooday iyo madax kala duwan oo geeridiisa ka hadashay

Cabdi Cade

Erdoğan oo si khiiro leh uga hadlay qalabkii Turkigu ugu deeqay Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---