Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo Shaaciyay cida qaadeysa Masuuliyada dagaaladii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hogaamiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaaladii dhiiga ku daateen ee dhawaan ka dhacay Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in xiligan oo lagu jiro bil ramadaan magaalada Muqdisho ka dhacaan dagaalo sababay in dhiig ku daataan sidoo kale shacabka ku barakacaan.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in waxa la isku hayo ay tahay siyaasad loona baahan yahay in xal siyaasi ah laga gaaro , waxa uuna ku baaqay in laga shaqeeyo xasilooni iyo in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“ Xalka waa in uu noqdaa mid siyaasi ah oo meesha ay hadda ay joogto aysan dhaafin, waxaana dalbanayaa in laga shaqeeyo nabada iyo in doorasho la aado si loo kala badbaado ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Xildhibaanada golaha shacabka masuul ka yihiin dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay mudo kororsiga, waxa uuna tilmaamay in Xildhibaanada iska dhaga tireen dhibaatada mudo kororsiga oo mudo laga digayay.

“Baarlamaanka muddo kardhinta uu sameeyay ayaa sababtay dhimasho,dhaawac iyo barakac, wixii laga digeyay inay sax ahaayeen ayaa muuqatay, shalay waa la soo doortay hadana fursad ayay leeyiiin balse heli maayaan haddii ay dowladnimada meesha ka baxda,”ayuu sii raaciyay.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aadaya xili ay degtay xiisadii ka dhalatay mudo kororsiga sidoo kale Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka ay ogolaadeen in dib looga laabto mudo kororsigii ay sameeyeen Xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HgoApkldgMg

Related posts

Jubbaland oo ka hadashay caqabada heysata Shirkii lagu balansanaa Muqdisho

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weeraro Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhigyo ciidan

Cabdi Cade

Madaxweyne Kabore oo xabsiga loo taxaabay iyo xaalad adag oo ka taagan dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---