Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Itoobiyaan badan oo ku dhamaaday doon ay ka raaceen Boosaaso

Doon siday Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ka baxday magaalada Boosaaso ayaa ku degtay biyaha dalka Yaman, waxaana doontaasi ku dhintay dad badan oo kamid ahaa Tahriibayaasha.

Inta la xaqiijiyay 46-qof oo kamid ahaa dadkii doonta saarnaa ayaa dhintay waxaa sidoo kale nolol iyo geeri lagu la’yahay 16-qof kale oo doonta saarnaa, waxaana dadka doonta ku safrayay tiradooda lagu sheegay ilaa 100-qof.

Hay’ada IOM ee Socdaalka Aduunka ayaa sheegtay in doontan oo ka baxday magaalada Boosaaso ay degtay shalay oo arbaco ah, waxaana dadka dhinay 37-kamid ah ahaayeen rag halka 9 kalana ay dumar ahaayeen.

Dalka Yaman ay hada ka jiraan colaado iyo baahi badan ayaa bil walbo waxaa tahriib ku gaara boqolaal qof oo Itoobiyaan ah kuwaa oo doonaya in Yaman uga sii gudbaan dalka Sacuudiga si ay shaqo iyo nolol ka wanaagsan tii dalkooda uga soo tageen uga helaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar Gaadmo ah ku dishay askar katirsan ciidanka dowladda

Cabdi Cade

Dowlada Indonesia oo si kulul u beenisay hadal ka soo yeeray madaxda Israel

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalo maanta ka dhacay Daynuunay & Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---