Allbanaadir.com
NEWS

Khudbadii Farmaajo oo u ekayd khudbadii ugu danbeysay ee Kaliyetaliyihii Masar !

Bishii Feberaayo sanadkii 2011 oo hadda laga joogo 10 sano ayuu hogaamiyihii muddada dheer kasoo talinayey Masar, Maxamed Xusni Mubarak soo jeediyey khudbad si weyn loola yaabay xili kacdoonka looga soo horjeedo uu meel xun marayey isagoo ku go’adoonsan Madaxtooyadiisa.

Mubarak oo la filayey inuu iscasili doono ayaa soo jeediyey khudbad muddo dheer la sugayey, balse halkii laga filayey inuu is-casilo ayuu sheegay inuu sameyn doono isbedalo oo dastuurka furi doono, wuxuuna ku dooday in “dalal Shisheeye” ay kasoo horjeedaan, xili Militariga wadankaasi oo uu isku haleenayey inay xilka kusii hayaan ay qaateen go’aan ah inay awoodda kala wareegaan iyagoo difaacanaya dhaqaalihii ay ciidamadu ka heli jireen Maraykanka.

Madaxweynaha wakhtigiisa Dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan lahayn balaaqadii Muabaarak ayaa isaguna habeen hore hudbadiisii sida weyn loo sugayey la filayey inuu xilka iska casili doono, ama awoodiisa dastuureed dhimi lahaa maadaama xiligii dastuuriga ahayd ka dhacdey, mar hadii Raysalwasaarihiisa iyo maamuladii uu ku tashanayey ay kasoo horjeesteen Muddo kororsigii sharci darrada ahaa oo ay ku dhawaaqeen koox ka tirsan Xildhibaanada golaha Shacabka.

Qaxiye (Bara-kiciye) Farmaajo?

Farmaajo ayaan khudbadiisa haba yaraatee aan kusoo qaadan khasaarihii xiisadihii ka dhashay muddo kororsigii ay ku dhaqaaqeen isaga iyo kooxda taageersan oo keentay iska horimaadyo hubeysan oo uu dhiig ku daatay, una horseeday shacabka Muqdisho inay isaga qaxaan xaafadaha ku dhaw xarunta Villa Soomaaliya.

Ma doonayo inaan noqdo Qaxiye (Barakiciye) ayuu yiri, isagoo dareensan dhawaaqii kasoo yeerayey shacabka degan xaafadaha Hodan iyo Hawl-Wadaag oo guryahooda isaga barakacay, kuwaasi oo ku eedeeyey Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday inuu sababay in xaaladdu halkaasi gaarto.

Maxamed Farmaajo oo Golaha Shacabka xiligaasi wixii ka danbeeyey ka dhigtay aalad uu si gaar ah danihiisa ugu isticmaalo ayaa sheegay inuu Sabtida soo socota markale hortagi doono Golahaasi wakhtigiisii dhamaaday.

Farmaajo ma sidii Khayre u riday buu damacsan yahay inuu u rido Rooble oo isaguna ka horyimid qar iska tuurka Farmaajo ee xil kororsiga?

Fashilinta Wadahadalka iyo Dagaal hurinta!

Farmaajo oo lagu sheego “Tanaasul-badanaha aan weligiis Tanaasulin” ayaa ka faa’iideysan waayey dhamaan fursadihii soomaray laga soo bilaabo wadahaladadii Dhuusamareeb illaa iyo Teendhadii Afisyoone, isagoo ka doorbiday inuu awood ciidan u adeegsado dhinacyada kasoo horjeeda gaar ahaan murashaxiinta ku sugan caasimada Soomaaliya.

Tiro ciidamo ah oo uu shalay ka keenay magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Beledweyne ayuu ka rajo qabaa inay gacan kasiiyaan culeyska ciidan ee uga yimid ciidamada kasoo horjeeda xukunkiisa oo hada ku hareeraysan xaafada uu degan yahay.

Muxuu ka tanaasulay?

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxay Muqdisho fadhiyeen 40 maalmood, si loo aado doorasho loo dhan yahay la isla oggol yahay, haddii heshiiskii 17 Sept sidiisa lagu sixiixi lahaa ma intaas ayey u fadhin lahaayeen.

Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsadey Farmaajo oo ciyaaray kaarkiisi ugu danbeeyey ee ahaa muddo kororsi, iyada oo weli shirkii teendhadu furan yahay, maxaa u diidey in uu muddo kororsigiisa ku socdo haddii ay u meel mareyso.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma waxaa laga sugaayey in uu yiraahdo shir hala isugu yimaaado lagu saxiixi 17 Sept 2020, miyaanu ogeyn in heshiiskaasi saxiixan yahay ee waxa la isku hayaa yahay muddo xileedkiisa dhamaadey iyo awoodaha uu sida khaldan u isticmaalayo, mise waxaa laga sugaayey in uu ka hadlo

  • Ka noqoshada 12 Abril
  • In uu awoodiisa qeexo
  • In awoodda doorashada iyo amniga ku wareejiyo Raysalwasaare Rooble
  • ama in uu is-casilo

Mudaaharaad lagu soo dhaweeyey khudbadii lagu hungoobey

Xaafadaha magaalada Muqdisho ayey xalay markale ka dhaceen mudaharaadyo shacabka dhigeen oo looga soo horjeedo xukunka Farmaajo xili ay ciidamada kasoo horjeeda hogaamiyahaasi wakhtigiisa dhamaaday ay dhufeysyo cusub ka qoteen qeybo kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.

Gebagebo

Ma mudna in Farmaajo lagu tilmaamo Madaxweynihii hore ee Masar oo ahaa nin ka talinayey dowlad heysata ciidamada ugu badan Afrika iyo waliba dhaqaale ku filan, hase yeeshee Macangagnimada Kalitaslinimadu waxay ku bidaa inaad damacdo si kasta oo aad xukunka ku joogi kartid inaad fasho xataa hadii uu dhiig badan ku daadanayo.

F.G Qormadan kama turjumeyso aragtida Allbanaadir, waxa ayna gaar u tahay qoraha ku saxiixan

W/Q Maxamed Cismaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/HgoApkldgMg

Related posts

Daawo Dani :-“Kursiga Mahad Cawad la cararay waa soo ceshan karaa hadduu soo noqdana isaga ku soo noqon”

admin

Cabdirashiid Janan iyo Senoter Fartaag oo abaabul xooggan ka wada gobolka Gedo

Cabdi Cade

(Sawirro) Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharci Muhiim ah oo wax laga bedelay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---