Allbanaadir.com
NEWS

Hanti Dhowrihii maamulka Jubbaland oo geeriyooday iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay

Isbitaal kuyaala Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Hanti dhowrihii guud ee Dowlad goboleedka Jubaland Marxuum Cabdicasiis sheekh Xuseen Dayib, oo mudooyinkii lasoo dhaafay magaaladaasi ku xanuunsanaa.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Hanti dhowrihii Jubbaland,waxa uuna ilaah uga baryay in janadii fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ilaah ka siiyo eheladiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis Sheekh Xuseen  ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markana hormuud u ahaa nabada iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee ummada.

“ Marxuum Cabdicasiis wuxuu kamid ahaa aas aasayaashii Dowlada Jubaland isagoo mar walba ay ku weynayd sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad iyo walaalnimo ugu wada noolaan lahayeen wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala duwan isagoo wakhti iyo naf huris u muujiyay wakhtiyo adag oo bulshadu ay u baahnayd.” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hal arrin oo kusoo beegtay xilligan loollanka ay wadamadu caalamka ugu jiraan Soomaaliya!

Cabdi Cade

Guddoonka Aqalka Sare & Danjire Madeira oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo soo saartay digniin la xiriirta Al-Shabaab & Daacish

Caydiid Ali
Taboola Ads ---