Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Booliis ah oo si weyn loogu amaanay Naxariis ay sameysay (Daawo Sawirada)

Haweeney katirsan booliiska dalka Hindiya ayaa si weyn loogu amaanay kadib markii ay naxariis u muujisay naaskeedana u deysay cunug yar oo markaa dhashay oo lagu soo tuuray goob cidlo ah.

Qof dukaan ku lahaa goob u dhaw halka cunuga yar lagu soo tuuray ayaa wacay saldhiga una sheegay in cunug jidka lasoo dhigay, waxaana haweeneydan booliiska kamid ah markii cunuga aragtay durba bilowday in ay nuujiso cunuga yar oo aad u baahnaa.

Waxa ay sheegtay haweeneydan oo lagu magacaabo Archana in ay aad u murogootay markii ay aragtay cunugan yar ee lasoo tuuray, waxa ayna tilmaantay in uuba ula mid noqday cunugeeda oo kale sidaasna u nuujisay.

Haweeneydan booliiska ayaa sheegtay in dhawaan ay wiil dhashay sidaasna ugu suurto gashay in cunugan yar ee lasoo tuuray nuujiso, waxa ayna tilmaantay in ay dareensan tahay xanuunka laga maro ilmaha yar marka la dhalayo.

Cunugan yar ee lasoo tuuray ayaa loogu magac daray cunuga dowlada waxaana la geeyay xarun lagu xanaaneeyo caruurta aan waalidka heysan, waxa ayna booliiska baadi goobayaan hooyada dhashay cunugan ee banaanka usoo tuurtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tijaabadii ugu horreysay ee dawada Coronavirus oo lagu guuldarreystay !!

Cabdi Cade

Caronavirus oo kusii faafaya dalka Kenya iyo kiisas hor leh oo maanta la shaaciyay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar khasaaro kala duwan dhaliyay ka fulisay gudaha Dalka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---