Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo shuruud ku xirtay ka qayb galka shirka uu ku baaqay Farmaajo

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

Wasiirka ayaa ku baaqay in Beesha Caalamku diyaariso shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaasoo dhexmara dhinacyada siyaasadd dalka.

Dhinaca kale, War qoraal ah oo fiidnimadii Talaadada ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa loogu baaqay wakiilada Beesha Caalamka, in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhammaystirayo heshiiskii 17-kii September, si dalka looga qabto doorasho nabdoon oo wadar-ogol ah.

“Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September, si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.” ayaa lagu yiri qoraalka

Baaqan ayaa soo baxay, wax yar kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ka horyimid mudda kordhintii dowladda Federaalka, islamarkaana ku dhawaaqay in  xukuumaddiisu diyaar u tahay  hirgelinta doorasho ku salaysan heshiiskii 17-kii September.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Xaraasheysa qaar kamid ah Moroodiyaasha dalkeeda kunool iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Xarumaha ugu Muhiimsan dowlada oo dib loo dhisayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaaradda Caafimaadka oo Daah-furtay Mashruuc cusub oo UK maalgalineyso (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---