Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday Xero Milatari oo kutaala…

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroor hore weerar xoogan ku qaaday xero ciidanka Milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka Milatariga ayaa ku bilowday qaraxyo xoogan waxaa ku xigay weerar toos ah oo Al Shabaab dhoor jiho uga soo qaadeen xeradaasi milatari.

Dagaal aad u xoogan oo saacado socday ayaa labada ciidan ku dhax maray Daynuunay, waxaana Al Shabaab warar ay faafisay ku sheegtay in  ay la wareegeen xerada Daynuunay halkaasna ku dileen askar badan sidoo kale saanad milatari ku qaateen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalka saakay uu ka dhashay khasaaro xoogan oo soo kala gaaray labada dhinac, walina si rasmi ah looma oga khasaaraha kala gaaray ciidanka Milatariga iyo Al Shabaab.

Deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Baydhabo waxaa hada gaaray gurmad badan oo ka yimid magaalada Baydhabo, waxaana lasoo sheegayaa in ay halkaasi isaga baxeen dagaalyahandii Al Shabaab ee soo weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Maslaxada Puntland waxey ku jirtaa soo Jeedinta Madaxweyne Deni”

Caydiid Ali

Wasiiradii Dhaqanka dowlada Baxreyn oo sabab yaab leh xilka looga qaaaday

Caydiid Ali

Wada-hadalladii dowladaha Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile oo fashilmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---