Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoonka Golaha Shacabka oo beeniyey in kulanka Sabtida xilka looga qaadayo Rooble

Xoghayaha Aqalka hoose ee Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia ayaa beeniyay in kulanka degdega ah ee Sabtida uu yeelanayo golahaasi aanay jirin xil ka qaadis iyo mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay C/kariin Xaaji Buux ayaa lagu yiri:” Waxaan Shacabka Soomaliyeed la wadaagaya inay been abuur  tahay wararka lagu daabacay Baraha Bulshada oo ah in maalinta Sabtida Xil Ka qaadis lagu sameynayo Raisal wasaaraha XFS”.

Wuxuu sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin oo kulanku kaliya ku saabsan yahay inuu Farmaajo horyimaado golaha.

“Waxaan umadda Soomaliyeed uga digayna inay ka fogaadan wararkaas been-abuurka ah, ujeedada kulanka waa in maalinta Sabtiga 1 May uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Farmaajo uu hor imaan noono Mudanayaasha Golaha Shacabka” ayuu yiri qoraalkiisa ku yiri xoghayaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Im85fFhntwY

Related posts

(Sawirro) Maxay tahay xarunta casriga ah ee uu xariga ka jaray RW Ku-Xigeenka?

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Warar cusub oo ka soo kordhay qaraxii gaari ee ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo bilaabanaya iyo hab cusub oo loo marayo (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---