Senatar Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) ayaa uga digay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada inay qaadaan talaabooyin ka dhan ah go’aankii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle kaga soo horjeesteen muddo kororsiga.
Waxa uu ugu baaqay Golaha Shacabka haddii ay wadaan iney ku adkeystaan mudo kororsiga inay ka waantoobaan, arrintaasina ay tahay jid xiran, mar hadii muddo kororsiga uu keenay dhibaatadii Xamar ka dhacday, dhammaana laga wada hor yimid.
“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada in aysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen” ayuu yiri.
“Haddii kulanka Golaha shacabka uu yahay mid lagu carqaleynayo in lagu laabto heshiiskii doorashadii 17-ka September, waan uga digayaa guddoonka Baarlamaanka, haddii ay taas dhacdo wixii ka yimaado iyagaa qaadi doona Wixii dhacay 12-ka April ayaa keenay inay dad u dhintaan, dadka u barakacaan waxaana rajeynayaa inaan arrintasi lagu celin” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo farriin u diray guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha shacabka.
Cabdi Qeybdiid wuxuu dalbaday in la joojiyo abaabulka ciidamada ee weli ka socda Muqdisho oo uu sheegay inaan loo baahneyn mar haddii xaaladii keentay laga gudbay, loona baahan yahay in ciidamada ay dib ugu laabtaan xeryahooda.
Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dib loogu laaban doono heshiiskii doorashada ee 17 Septembar, isagoo xusay inuu sabtida la hadli doono Baarlamanka.
Hadalka Senator Qeybdiid ayaa ku soo aadaya xili ay soo baxeen warar shaki badan abuuray oo sheegaya in kulanka Sabtida la qorsheyayo in xilka looga qaado RW Rooble, maadaama uu ka hor yimid muddo kororsiga Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/Im85fFhntwY