Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay Dagaalka dhacay Muqdisho iyo sida ay u arkaan

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa hadlay qalalaasaha iyo fadqalallada ka taagan dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Xamar.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inay maamul ahaan ka damqanayaan dhibaatada iyo qaxa Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay is hayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha diiddan qarannimada Somaliland.

“Dawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wato, waxa uu intaas ku daray “Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

Shacabka ku dhaqan Soomaaliya, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxana uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen ay Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba u dulqaadanaysay,

“Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey, shicib ahaanna waxan idiin sheegayaa inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

https://youtu.be/Im85fFhntwY

Related posts

Taliyaha ciidanka Booliiska oo tagay Safaarada Sacuudiga Dalabna hor-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Iran oo ku Eedeesay Sacuudiga in ay u faa;iideenayaan Maamulka Isra’il

Cabdi Cade
Taboola Ads ---