Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal maleegayaan shirqoolo cusub.
Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Farmaajo xalay dhaaftay fursad uu dadka ku macsalamaeyn lahaa, waxa uuna cadeeeyay in khudbadiisa uga baxay aflagaado iyo ixtiraam la’aan sida uu tilmaamay.
”Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay ,Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Musharaxa ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble in uu ismuujiyo uuna fidiyaa casuumada shirka mar kale looga hadlayo arimaha doorashada sidoo kale balaariyaa shirka.
”Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hadalka Musharaxa ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Farmaajo sabtida la kulmayo Xildhibaanada golaha shacabka si uu mar kale uga codsado in ay uga laabtaan sharcigii jiheynta Doorashada ee mudada labada sano ugu kordhiyeen dowlada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com