Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwii ku barakacay dagaaladii dhacay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaare Rooble amar ku siiyay ciidamada dowlada in shacabka guryahooda kusoo laabanaya u fududeeyaan in ay mar kale ku laabtaan guryahooda iyo goobahooda ganacsi ay horey uga carareen.
”Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni.” ayuu yiri Rooble.
Baaqa Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili ay qabowday xiisadii dagaal ee ka jirtay magaalada Muqdisho, waxaana wali xusid mudan in ciidamada mucaaradka ay joogaan goobihii ay horey aagaga uga sameesteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com