Wararka laga helayo duleedka Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose gaar ahaan inta u dhexeysa Deegaanada Baar-sanguuni iyo Buulla Gaduud ayaa sheegaya in Dagaal culus uu halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan xoogga oo garab ka helayo kuwa Mareykanka iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen deegaankaasi oo ay fariisin milatari ku leeyihiin Ciidamada Jubbaland.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac iyo sidoo kale dadka deegaanka ka soo gaaray dagaalkaasi.
Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka isagoo xusay iney ku in ay bur buriyaan goobo Alshabaab ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee Sooman sida uu yiri, dhinaca Al-shabaab kama hadlin dagaalkan.
Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaano ka tirsan Jubbooyinka oo ay weli ku gacanta ku hayaan deegaano ka mid ah gobolladaaasi.
Ciidamada Huwanta ayaa doonaya inay Shabaab ka saaraan deeganada ay ka joogaan duleedyada Magaalada Kismaayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com