Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay Rabshadaha ka dhashay Mudo kororsiga DF

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa kasoo horjeeda mudo kororsiga dowlada sameesatay.

Beesha Caalamka warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in horey uga digeen in mudo kororsiga dowlada sameesatay uu horseedayo khalalaase iyo rabshado, waxa ayna walaac ka muujiyeen ciidanka xooga Soomaaliya oo u qeybsamaya beelo

War saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa u qornaa sida tan:

Saaxiibada caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25kii Abriil.

Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Shaqaaqadii dhacday 25kii Abriil awgeed, ayaan waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda.

Waxaan si gaar ah uga welwelnay kala qeybsanaanta soo bexeysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil, taas oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin.

Waxaan mar kale ku celinaynaa in heshiiskii 17kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka waxaana ku boorinaynaa saxiixayaashii heshiiskan inay si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan hanaankaas.

Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu kusoo magacaabayo Ergey gaar ah waxaana ku boorineynaa in wakiilkan heerka sare ah uu yimaado magaalada Muqdisho isla markaana uu guda galo shaqadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaan diyaar u nahay, haddii aynu nahay saaxiibada, in aan taageero u fidino Ergeygan, isla markaana aan sii wadno dadaallada aan isugu keeneyno dhinacyada.

Waxaan mar kale xaqiijineynaa xurmada aan u hayno gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Tacsi ugu tagay Qoyska Gabadhii dilka iyo Kufsiga la isugu dara (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xamaas & Islamic Jihad oo diiday qorshe halis ah oo ay hor dhigtay dowlada Masar

Caydiid Ali

Ergayga Garka ah ee Madaxweynaha JFS oo fariin qoraal ah u gudbiyay Axmed Abul Gheit

Cabdi Cade
Taboola Ads ---