Allbanaadir.com
NEWS

Cabsidii ugu xooganeed oo ka taagan Muqdisho iyo Shacabka oo wadnaha farta ku haya

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan cabsi xoogan oo laga qabo in mar kale dagaal culus magaalada ku dhax maro ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada taabacsan musharaxiinta mucaaradka ee diidan mudo kororsiga.

Ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowlada ayaa isku hor fadhiya qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana taagan cabsi laga qabo in xili kasta ciidamada uu dhax mari karo dagaal.

Shacabka ku dhaqan xaafadaha ciidamada isku hor fadhiyaan iyo xaafadaha kale ee ku dhaw dhaw ayaa bilaabay in ay barakacaan, waxaana xalay iyo saakay Muqdisho ka socda barakicii ugu balaarnaa sanado badan kadib.

Dadka barakacaya ayaa inta badan aadaya degmooyinka ka fog fog goobaha ay ciidamada isku horfadhiyaan iyo duleedka magaalada Muqdisho si ay uga baxsadaan waxyeelo kasoo gaarta hadii dagaal magaalada ka qarxo.

Ciidamada iska soo horjeeda ayaa dhaq dhaqaaqyo kawada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waana goobaha hada laga dareemayo cabsida ugu badan ee ku aadan in labada dhinac ku dagaalamaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana wadnaha farta ku haya kuwaa oo ka cabsi qaba in dagaal dhiig badan ku daato magaalada ka qarxo, waxaana qaar kamid ah shacabka oo warbaahinta la hadlay codsadeen in dagaalka nabad galo badalo lana heshiiyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay guusha diblomaasiyadeed ee Somalia ka gaartay Q/Midoobay

Caydiid Ali

Senator katirsan baarlamaanka Kenya oo la xiray iyo dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo Sameenaya Casho Sharaf Shuruud adag ku xiran tahay !!

Cabdi Cade