Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid isku diyaarineysa marti galinta dagaalo culus oo dhax mara ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taageersan mushuaraxiinta mucaaradka kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada.
Ciidamo daacad u ah Saadaq Joon , Yuusuf Indha Cadde iyo Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horey ugu sugnaa agagaarka Isgooska KM-4 gaar ahaan ex Madaxtooyadii hore Cabdiqaasim ayaa xalay aagaasi isaga guuray.
Sida aan wararka ciidamadan kasoo horjeeda dowlada ayaa degay aag cusubna ka sameestay xaafada Siigaale ee degmada Hodan gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw laamiga Maka Al Mukarama.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa iyana saakay lagu arkayaa aagagii ay ka baxeen ciidamada Saadaq Joon iyo Yuusuf Indha Cadde, ciidamadan ayaana laamiga iyo goobo kalaba ka qaaday caro tuur lagu xiray iyo dhagxaan.
Xaafada Siigaale iyo xaafadaha ku dhaw dhaw ayaa saakay laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan, waxaana dadkii halkaasi degnaa bilaabeen in ay isaga barakacaan iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo.
Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah waxaa ka socda barakac xoogan ay sameenayaan dadka shacabka ah, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada mar kale ku dagaalamaan ciidamada dowlada iyo kuwa kasoo horjeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/qXBY9QXBii8