Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Mareykanka oo war kasoo saartay Colaada Muqdisho kuna hanjabtay xayiraad

Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalada qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ku dhax maray ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamo kale oo dowlada ka gadooday kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada sameesatay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin isku dhacyadii rabshadaha watay ee ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta iska soo horjeeda in ay is xakameeyaan ayna khilaafkooda ku xaliyaan si nabad ah, waxa ayna ku boorisay dhinacyada is haya in wax walbo wadahadal iyo is afgarad u maraan.

“Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay dib u bilaabaan wadahadalada hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka degdega ah”ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Qoraalka kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu xusay Mareykanku diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan talaabooyinka la qaadi karo ku jiraan cunaqabateyn iyo xaddidaadda fiisaha si loo beegsado dadka caqabada ku ah nabada iyo xasiloonida Somalia.

Dowladaha caalamka qaarkood ayaa si kulul u cambaareeyay colaada kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho oo ka dhalatay mudo kororsiga ay Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen dowlada waqtigeeda dhamaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/qXBY9QXBii8

Related posts

Dowladda oo Muqdisho kasoo dejisay Ciidamo cusub iyo Waxa ay qabanayaan oo la ogaaday

Cabdi Cade

Mashiinka Dowladdu Ku Dhaqaaqdo oo shir uga socdo Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dagaalyahan kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay kana hadlay sababta uu …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---