Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Barakac xoogan oo ka socda Muqdisho iyo Cabsi dagaal oo…

Waxaa xalay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho mar kale ka bilowday barakac xoogan oo ay sameenayaan shacabka , kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada dowlada duulaan ku yihiin goobaha ay joogaan mucaaradka.

Barakaca xoogiisa ayaa xalay ka socday xaafado katirsan Hodan, Howlwadaag,Waabari ,Cabdicasiis iyo Kaaraan waxaana ddaka barakaca ka cabsanayeen in dushooda ku dagaalamaan ciidamada dowlada iyo kuwa kasoo horjeeda mudo kororsiga dowlada.

Hooyooyin caruurta gacmaha haya kuwaa oon garaneyn goob ay u qaxaan ayaa indhaha la saarayay, waxa ayna hooyooyinkan iyo caruurtooda ka murugeesnaayeen in xili habeen ah guryahooda isaga qaxaan.

Dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa xalay si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, waxaana soo baxday warar ku aadan in ciidamada dowlada qorsheeyeen in weerar ku qaadan ciidamada mucaaradka.

Xaalada Muqdisho ayaa hada u muuqata mid colaadeed, waxaana sanado badan kadib shacabka magaalada Muqdisho qaarkood xir xirteen boorsooyinkooda iyagoona qaarkood qaxeen halka kuwa kale oo badana hada isku diyaarinayaan qax hadii aan xal kale imaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Hanti dhawrka Qaranka & Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka?

Caydiid Ali

Musharax Cali Ciid oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo diyaar garow lagu soo dhaweenayo oo Socda

Cabdi Cade

Jocelyn Mason oo balan-qaad Muhiim ah u sameeyey Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---