Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Rooble oo ku baaqay shir deg-deg ah oo looga arinsanayo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay kulan deg-deg ah oo qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Siyaasiyiinta, Culimada, Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ay kaga arinsanayaan xal u helista dhibaatooyinka amni ee ka jira Caasimadda.

“Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka Muqdisho iyo walaalaheen siyaasiinta Muqdisho ku sugan shir deg deg ah oo xaalada lagu dejinayo loogana arrinsanayo amaanka. Ciidamada waxaan ugu baaqayaa in ammaanka muwaadiniinta ay sugaan, siyaasada aysan ku milmin, kana fogaadaan falkasta oo xasiloonada wax u dhibaya”. ayuu yiri Rooble

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay ururrada bulshada rayidka ah ayaa xusay in uu ka xun yahay wixii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, isagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in midnimo iyo isku tanaasul lagu wajaho marxalada taagan. Kuna ammaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan adkeynta nabadda, horumarka iyo xasiloonida dalka.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaad muujiyaan, kana qeyb qaataan raadinta nabadda, waxuna faray ciidamada ammaanka in amniga muwaadiniinta ay sugaan, kana digtoonaadaan fal kasta oo lidi ku ah amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo riwaayad yaab leh u jileysa Turkiga si loogu ogolaado ku biirida NATO

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumada oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---