Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

IGAD: “Dhinacyada isku haya Muqdisho waa iney badbaadiyaan nafta & Guryaha rayidka”

Urur goboleedka IGAD ayaa walaac xoogan ka muujiyey dagaaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda iyo Ciidamada Millateriga ee taageersan Mucaaradka ku dhexmaray Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada inay is xakameeyaan, isla markaana badbaadiyaan nafta iyo Guryaha dadka rayidka ah.

“IGAD waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay rabshadaha ka socda magaalada Muqdisho waxayna ku boorinaysaa dhamaan dhinacyada inay ku dhaqmaan wax walba oo xakameyn ah, ayaa lagu yiri” Qoraalka IGAD.

Sidoo kale IGAD ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay ku laabtaan wada hadalka & sii wadida wadada lagu xalinaayo qalalaasaha doorashada si xal loo gaaro.

Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaa dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada u dhaxeeya dowladda & mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney uu dhalay Boqorka dalka Sacuudiga oo dacwad lagu soo oogay

Caydiid Ali

Isku soo bax oo beri ka dhacaya Muqdisho iyo qabanqaabo socota (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibanada cusub ee Jubbaland oo la dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---