Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo soo fara galisay Dagaalka Muqdisho iyo kulamo socda

Wakiilada beesha Caalamka ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay dadaalo ay ku doonayaan in lagu joojiyo dagaalka Muqdisho ee u dhaxeeya ciidamada dowlada federaalka iyo ciidamno taageersan musharaxiinta mucaaradka.

Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka gaar ahaan kuwooda ugu saameynta badan ayaa xiriiro la sameeyay Madaxda sare ee dowlada Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta, waxa ayna ugu baaqeen in dagaalka la joojiyo lana wada hadlo.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaana lagu soo waramayaa in xiligan shir aalada fogaan araga ee ZOOM kula leeyihiin xubno katirsan midowga Musharaxiinta, waxa ayna kala hadlaan xaalada kusoo korortay Muqdisho gaar ahaan dagaaladii shalay ilaa xalay socday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ku cadaadinayaan in Madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa Musharaxiinta in ay joojiyaan xabada ayna wadahadal ku dhameeyana khilaafka u dhaxeeya.

Muqdisho ayaa shalay iyo xalay marti galisay dagaalo culus oo dhaliyay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali magaalada isku hor fadhiya ciidamada iska soo horjeeda oo laga cabsi qabo in mar kale dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaaryahan Caan ah oo qaatay tababar ciidan kuna guuleestay abaal marin !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Ruto oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in uu is casilay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ?

Cabdi Cade