Muuqaalka magaalada Muqdisho ayaa maanta ka duwan sidii ay aheyd mudooyinkii lasoo dhaafay, magaalada qeybo kamid ah ayaa hada u muuqata mid gashay jawi colaadeed kadib dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay.
Ciidamo u badan milatari oo taabacsan musharaxiinta mucaaradka sidoo kale kasoo horjeeda mudo kororsiga dowlada federaalka sameesatay ayaa lagu arkayaa degmooyin badan oo kuyaala Muqdisho .
Aaga ciidankan joogaan ayaa hada laga sameeyay dhufeesyo iyo caro tuur ay sameesteen ciidamada , waxaana goobaha carada lagu jaray kamid ah laamiga ka baxa isgooska KM-4 ee aada dhinaca tarabuunka halkaas ay joogaan ciidamo taabacsan Yuusuf Indha Cadde.
Ciidamada Indha Cadde iyo kuwa Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xaafadaha ay kaga sugan yihiin Hodan ka sameestay difaacyo adag iyo dhagax tuur si ay isaga difaacaan hadii weerar lagu soo qaado.
Ciidamada mucaaradka raacsan ee jooga qeybo kamid ah degmada Howlwadaag ayaa sidoo kale sameestay difaacyo, waxaana gaadiidka dagaalka ay ciidankaasi wataan lagu arkayaa xaafadaha iyo wadooyinka ku dhaw dhaw Sayidka ilaa Dabka.
Waqooyiga magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga Mirinaayada ayaa iyana laga soo sheegayaa in difaacyo adag xirteen ayna sameesteen dhufeesyo culus, waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo gurmad ah.
Xaalada Magaalada Muqdisho ayaana ah mid hubanti la’aan ah ay saacad walbo ka dhici karaan dagaalo, waxaana meelaha qaar isku hor fadhiya ciidamada iska soo horjeeda ee kala taabacsan dowlada iyo mucaaradka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com