Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Muqdisho iyo sida xaalku saakay yahay

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay degan kadib dagaalo culus oo xalay qeybo kamid ah magaalada ku dhax maray ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamo kale oo kasoo horjeeda mudo kororsiga Farmaajo sidoo kale taabacsan Musharaxiinta.

Dagaalka xalay xoogiisa ayaa ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan aag ay degan yihiin Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Janaraal Yuusuf Indhacadde oo kuyaala agagaarka KM-4.

Xalaya saqdii dhaxe ayey istaagtay rasaastii ay labada dhinac is dhaafsanayeen kadib markii ciidamada dowlada ay dib uga gurteen goobihii lagu dagaalamayay, waxaana markii dambe xaalku isku bedelay mid xoogaa xasiloon.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wadahadalo la sameeyay ay keentay in ciidamada dowlada dib uga gurteen goobihii lagu dagaalamayay, waxaana wali ciidamada Mucaaradka joogaan goobihii ay dagaaladu ka dhaceen.

Aaga Isgoosyada Sayidka iyo Dabka oo iyana dagaalo kooban ka dhaceen ayaa saakay degan, waxaana halkaasi wali ku sugan ciidamo aad u hubeesan oo taabacsan musharaxiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda Farmaajo.

Dagaaladii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo waliba dad shacab ah, walina si dhab ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Magaalada Muqdisho ayaana wali waxaa ka jirta cabsi laga qabo in mar kale ay dagaalamaan ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka ee iska soo horjeeda maadaama goobaha qaar ay wali isku hor fadhiyaan.

Shacab badan ayaana xalay iyo saakay isaga qaxay guryhaooda kadib markii dagaalo culus qarxeen, magaalada Muqdisho ayaana u muuqata xiligan in ay gashi jawi colaadeed oo ka badalan jawigii nabada ay horey ugu jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiid uu la socday Wasiirka Qorsheynta DF oo lagu xanibay duleedka Garoowe

Caydiid Ali

Haweeney Ninkeedii hore Dhaawac culus gaarsiiyay oo Muqdisho laga qaaday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sargaalkii dilay George Floyd oo lagu dhaawacay Toorey xilli uu xabsi ku jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---