Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii caawa ka dhacay Muqdisho iyo sida xaalku yahay

Waxaa caawa dagaal xoogan oo socday saacado badan  uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag  ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka amar qaata Dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamo kale oo taabacsan musharaxiinta mucaaradka , waxaana dagaalka oo galabta soo bilowday gaaray ilaa caawa saqdii dhaxe.

Dagaalka xoogiisa ayaa caawa ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Isgooska KM-4 halkaas uu degan yahay Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sidoo kale la degan yihiin saraakiil ciidan uu ku jiro Jeneraal Indha Cadde.

Ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa ka dhax maray dagaal saacado badan socday, waxaana labada ciidan caawa is dhaafsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa daqiiqado yar kahor si iskiis ah u istaagay, waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayay iyo dad shacab ah oo rasaasta guryahooda ugu tagtay.

Dhinaca kale dagaalo iyana mudo kooban socday ayaa caawa ka dhacay Isgoosyada Dabka iyo Sayidka, waxaana dagaalkaasi u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo ciidamo kale oo kasoo horjeeda mudo kororsiga dowlada.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaana saacadan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay lagu soo waramayaa in ay dib uga baxeen ciidankii dowlada ee dagaalka kula jiray ciidanka mucaaradka ee kasoo horjeeday.

Dagaalka caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaana ahaa kii ugu cuslaa ee mudooyinka ka dhaca caasimada, waxaana dagaalkan magaalada ka abuuray xaalad adag iyadoona wali dadku ka cabsi qabaan in mar kale dagaalo kale magaalada ka qarxaan.

 

Related posts

Siciid Deni oo cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in Daacish katirsan yihiin

Cabdi Cade

Dagaalo khasaare geystay oo ka dhacay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeyay Xasan Sheekh, Xamse iyo Axmed Madoowe oo fashilmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---