Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wafti uu hogaaminayo oo gaaray Jabuuti (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaaladda Jabuuti ee D-Jabuuti, waxaana goroonka diyaaradaha ee dalkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay la socdeen wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, ayaa la qorsheeyaa in booqasho labo cisho ah ay ku joogaan magaaladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalinta berri ah kulan la qaadan doona Madaxwayanaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka degaanka Soomaalida oo si kulul uga hadlay iscasilaada Filsan C/llaahi

Caydiid Ali

Madaxtooyada Jubbaland oo War cusub kasoo saartay arimaha Doorashada iyo Xaalada Gedo

Cabdi Cade

Turkiga oo Shuruudo fulinteeda ay adag tahay ku xiray Sweden si ay NATO ugu biirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---