Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Yurub: “Waanu la xisaabtami doonaa kuwa masuulka ka ah rabshadaha”

Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Muqdisho oo maanta ay ka bilowdeen dagaalo u dhexeeya ciidamada DF iyo kuwo taageersan mucaaradka diidan muddo kororsiga.

“Danta guud waxay ku jirtaa in wax la iskula haro, hay’adaha dowliga ahna la wada ilaashado, wadaxaajoodna la galaa” ayuu yiri danjiraha oo intaas ku daray in lala xisaabtami doonaan cid kasta oo ku lug yeelaya rabshadaha Muqdisho.

Dhinaca kale, Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney aad uga walaacsan tahay xiisadaha ka jira magaalada Muqdisho.

Qoraal koobn oo lagu daabacay Twitterka ayaa looga baaqay dhinacyada iney is dajiyaan iyo in si nabad ah loo wahadlo taasoo ay sheegtay iney ku jirto danta Soomaalida.

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Heiko Nitzschke

Cabdi Cade

Dad shacab ah oo mar kale lagu xasuuqay Sudan

Caydiid Ali

Miisaaniyada Maamulka Galmudug ee sanadka 2022 oo la ansixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---