Allbanaadir.com
NEWS

Dil caawa ka dhacay degmada Balcad iyo ciidamada amniga oo baaritaano wada

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe askari ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay meel ku dhow wadada ka baxda degmada Balcad ee soo aada degmada Afgooye.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada ku xareysan saldhiga Bali doogle ee gobolka Sh/hoose, isagoo balcad ku yimid fasax la xirira inuu qoyskiisa la qaato ciidul fitriga.

Kooxaha dilka ka geystay ayaa kaa baxsaday goobta, iyadoo ciidamada amaanka ay degmadaas ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo.

Al-shabaab ay kordhisay dilalka tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan inkastoo dilalka noocan ah aan loo baran degmada Balcad oo qiyaastii 40-km woqooyi kaga began Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Shirka golaha wadatashiga & Rooble oo lagu cadaadinayo..

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo dooneysa in ay hesho Dekaddo iib ah ama kuwa ay kireesato !!

Cabdi Cade

(Xog) Sidee Jowhar looga badbaadin karaa colaad, Muxuuse yahay dabinka Villa Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---