Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalada ka qarxay Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa ka hadlay dagaaladii maanta iyo caawa ka dhacay Muqdisho iyo xaalada kacsan ee ka jirtay.

Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa beeniyay in ciidamada dowladda ay weerareen hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Xasan Shiikh ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyey iney weerar ku soo qaadeen hoygiisa oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir halkaasoo galabta uu ka dhacay dagaal culus.

Wasiirka amniga ayaa sheegtay inay soo afjareen kooxo uu sheegay in la soo abaabuley oo Muqdisho ka sameeyey falal ammaan darro, isagoo xusay iney weerarada ka dhacay Muqdisho ay soo abaabuleen dala shisheeye.

Sidoo kale, Wasiir Xundubey ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda, ayna la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

https://youtu.be/qDtOCGULoOE

 

Related posts

Kaneeco dhimatay oo Sabab u noqotay in la qabto Tuug hanti qaali ah xaday !

Cabdi Cade

Somalia oo Golaha amaanka ka hor cadeysay arrin muhiim ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo ka carooday dhoola tus milateri oo Sacuudiga ka qeyb galay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---