Waxaa sii xoogeesanaya dhaq dhaaqyada ciidan ee magaalada Muqdisho ka wadaan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsan mudo kororsiga ay sameesteen Xildhibaanada golaha shacabka.
Ciidamadan oo saacadihii lasoo dhaafay soo baneeyay farumaha dagaalka gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii cadaadis u saari lahaayeen dowlada uu hogaamiyo Farmaajo si ay uga laabato mudo kororsiga.
Sida aan wararka ku helnay ciidamadan milatariga ay hogaaminayaan saraakiil caan ka ah milatariga ayaa la wareegay xaafado iyo isgoosyo kuyaala Waqooyiga magaalada Muqdisho iyagoona goobo hor leh isku sii fidinayaan.
Ciidamada ayaa hada ku sugan Isgoosyada Fagax iyo Sanca , waxa ay sidoo kale ciidamada gaareen xaafado kale oo katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid, saraakiisha ciidankan ayaan aku hanjabay in kusii dhawaanayana Villa Soomaaliya.
Dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamadan soo galay magaalada Muqdisho ayaa abuuray cabsi dagaal, waxaana xaafadaha qaar dadka degan lasoo darsay wala wal ay ka qabaan in korkooda dagaal ka dhaco.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/lg6vBnmt1B0