Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw ka bilowday Muqdisho  

Waxaa goordhaw xaafada Fagax iyo xaafado kale oo kuyaala Waqooyiga Muqdisho ka bilowday banaan bax looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo iyo mudo kororsiga ay sameeyeen Xildhibaanada golaha shacabka.

Xaafadaha banaan baxa ka socdaan ayaa lagu soo waramayaa in maanta la wareegeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo kasoo horjeeda mudo kororsiga kuwaa oo xalay iyo saakay ka yimid gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya iyo sidoo kale mudo korsiga labada sano ee sameesteen Xildhibaanada golaha shacabka.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u joojin jirtay banaan baxyada looga soo horjeedo, hasa ahaatee banaan baxan ayaa u muuqda mid aysan dowlada joojin karin maadaama uu ka socdo xaafado ay ku xoogan yihiin ciidamo hubeesan oo mucaarad ah.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo kasoo horjeeda mudo kororsiga Farmaajko, waxa ayna ciidamadan isku fidiyeen qeybo badan oo kamid ah Waqooyiga Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/lg6vBnmt1B0

Related posts

Madaxweyne Biden oo ka hadlay Waaranka soo qabashada ee loo jaray Netanyahu iyo Gallant

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan doorashada

Caydiid Ali

Askari ku lug lahaa dil carro badan caalamka ka abuuray oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---