Allbanaadir.com
NEWS

Shir Muhiim ah oo lagu qabtay Muqdisho & RW ku-xigeenka oo ka qeyb galay (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayey Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka dabayaaqada Bishan kaasoo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan Waxaa ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-ka.

Xukuumadda Soomaalia ayaa dhawaanahaanba dadaal iyo diyaargarow ugu jirtay qaabkii iyo qorshayaashii lala hortagi lahaa shirka la Iclaamiyay ama loo asteeyay inuu ka dhaco Magaalada Brussels ee Dalka Belgium, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doona Wufuud ka kala socota Xukuumadda Soomaaliya, Maamul-goboleedyada Dalka iyo Xubno ka kala socda Beesha Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Dowlada iyo Maamul Goboleedyo oo Go’aan ku gaaray in Doorashada la qabto (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo mar kale ka hadlay xadgudubka Itoobiya eedeyna u jeediyay Abiy

Cabdi Cade

Ragii ka Dambeeyay Dilka Sheekh Cali Dheere oo la shaaciyay kadib baaris lagu sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---