Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo Shirkad u kireestay si uu taageero uga helo Aqalka Koongareeska Mareykanka

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka u kireestay sidii ay taageero uga raadin laheyd Koongareeska Mareykanka .

Shirkadan oo lagu magacaano LFA Holdings ayaa safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Mareykanka kula heshiiyay in olole Madaxweyne Farmaajo uga sameyso koongareeska iyo booqasho uu Madaxweynaha ku tago Mareykanka.

Wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in dowlada Soomaaliya siisay shirkada Mareykanka lacag gaareysa 150,000 oo dollar oo diiwaan galin ah ,waxa ayna shirkadan abaabuleysa booqasho Farmaajo ku tago Mareykanka si uu ula kulmo Guddiga arimaha dibadda Koongareeska Mareykanka iyo masuuliyiin kale.

Dowlada Mareykanka ayaa si adag uga hortimid mudo kororsiga Xildhibaanada Golaha shacabka u sameeyeen dowlada waqtigeeda dhamaaday uu hogaamiyo Farmaajo

Related posts

Wadahadalo cusub oo u furmaya Mareykanka iyo Taliban (Maxaa looga hadlayaa?)

Caydiid Ali

Amiirka Qadar oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia u fadhinaya Qadar

Cabdi Cade

Khalalaase wali ka dhax jira guddiyada Doorashada xili lasoo saaray habraaca Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---