Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo kahor timid in AMISOM la socoto Dhaq dhaaqa ciidanka Dowlada

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid go’aankii dhawaan kasoo baxay Golaha amniga & nabadgalyada Midowga Afrika oo ciidamada AMISOM faray in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa ciidamada dowlada xiligan kala guurka ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xil. Cabdifitaax Qaasim ayaa si adag uga hor yimid go’aanka kasoo baxay Midowga Afrika, waxa uuna xusay in AMISOM aysan xaq u laheyn la socodka dhaq dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya.

Waxa uu Wasiirka sumcad dil ku tilmaamay go’aankaasi kasoo baxay Golaha amniga & nabadgalyada Midowga Afrika, waxa uuna cadeeyay in dalabka go’aankaasi aysan aqbali doonin isagoona ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dowladi uusan magacaabin.

“AU-da waxa ay soosaartay  in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha Dowladda, Madaxda & la dagaalanka Argagixisada, ma dareymeysaan in Dowladaha qaar ee deriska ah ee aan dareyneen in ciidan xooggan ay dhisato Soomaaliya in ay ka dambeeyaan” Ayuu yiri Wasiir Qaasim.

Go’aankan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisaho ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay mudo kordhinta Dowlada sameesatay, iyadoona laga cabsi qabo in dowlada awood u adeegsato ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada uu Hogaamiyo Farmaajo oo la sheegay in ay diiday in ay ku dhaqanto Dastuurka iyo Diinta

Cabdi Cade

Madaxweyne Pedro Pablo oo iscasilay ka dib Fadeexad weyn oo ku soo baxday

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo markii ugu horeesay sheegay in ay yihin gobanimo udirir & Kenya oo ka hadashay kabixitanka cidamadeda Soomalia!!

admin
Taboola Ads ---