Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif oo ka hadlay go’aankii Midowga Afrika ka qaatay Muddo kororsiga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa soo dhoweeyay go’aankii Midowga Afrika ka soo saaray xaalada Soomaaliya iyo cambaareynta loo jeediyey muddo kororsiga.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SHIIKH SHARIIF KU SHAACIYEY BARAHA BULSHADA

Bismillaah

Waxaan codkeyga ku biirinayaa taageerada baaqa golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada oo inyar oo kamid ah golaha shacabka ay sifa aan waafaqsanayd shuruucda dalka u go’aamiyeen.

Waxaan markale ku celinayaa in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan.

Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray.

Mahadsanidiin

https://youtu.be/iyG4HtOAc_g

Related posts

Al-Shabaab oo mar kale shan nin ku toogatay goob fagaare ah (Magacyada)

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Wareegto kale ku soo saaray amar culus

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay fulinta balan qaad uu horey u sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---