Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

J/Carabta oo bayaan ka soo saartay xiisada Siyaasadeed ee ka aloosan Somalia

Bayaan ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta ayaa walaac xoogan looga muujiyey Xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka dhaxeeyo dhinacyada siyaasadda.

Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya, madaxda Maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah inay xal siyaasadeed oo deg deg ah ka gaaran arrinta Doorashada ee khilaafku hareeyey.

“Wadahadalka Siyaasadeed waa midka kaliya ee xal looga gaari karo heshiis la isku raacsan yahay oo lagu maamulo doorashooyinka soo socdo ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka Jaamacada Carabta oo aan lagu soo qaadin mowqifka ay ka taagan tahay muddo kororsiga.

Jaamacadda Carabta ayaa intaas ku dartay iney garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed xilli kasta illaa ay ka guuleysanayaan caqabadaha haatan jira ee dib u dhiska Hey’adaha Dowliga ah, waxayna jaamacadda Carabta sheegtay inay lagama maarmaan tahay ilaalinta midnimada Qaranka iyo  Xasiloonida.

Bayaanka Jaamacada carabta ayaa ku soo beegmay xili Soomaaliya ay ka jirto marxalad siyaasadeed oo aad u adag ka dib markii la isku khilaafay hanaanka doorashooyinka, dowlada xiligeedu dhamaadayna ay sameysatay muddo kororsi labo sano ah oo si weyn looga hor yimid gudaha iyo dibeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/iyG4HtOAc_g

Related posts

(Akhriso) Wasaaradda Cadaaalada dowlada Somalia oo digniin culus soo saartay

Caydiid Ali

Madaxweyne Uhurru oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Duqii hore ee Muqdisho

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo Magaalada Doxa kula kulmay Amiirka dalka Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---