Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo jawaab ka bixisay eedeyntii kaga timid Dowladda Soomaaliya

Jabuuti ayaa jawaab debecsan ka bixisay eedeyntii shalay kaga timid dowladda Somalia ee aheyd inay faro-gelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa xusay in dowladaha Jabuuti iyo Kenya ay isku dayeen inay farageliyaan go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay wadeen olole ay kaga dhaadhicinayaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika soo jeedin qoddobo ay rabeen in lagu daro qoraalkii soo baxay xalay ee lagu diiday muddo kororsiga.

Ilyaas Muuse Dawale oo ah Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti oo ka jawaabayey hadalka Dubbe ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya uu mar kale ku celiyo eedeymo tuhun iyo been abuur ah oo ah oo aan Jabuuti ka suuragalin.

“In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto uma qalanto waana eedeyn  aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas.

“Soomaaliya abaalka ay noo gashay waa mid qiimo badan,  Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yiri. wasiirka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Jabuuti ay ciidamo fara badan ka joogaan Somalia kuwaaso qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/wmaSR0gJDrY

 

Related posts

Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho iyo Shiikh Aadan Madoobe oo ka hadlay

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo lagu riday Maxamed Cabdiraxmaan oo si arxan darro ah u dilay labo Wiil uu dhalay

Cabdi Cade

Wasiiro ka tirsan Puntland & Jubbaland oo beeniyey inuu fashilmay shirkii Afisiyooni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---