Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo caawa kulan xasaasi ah la qaatay Heyadaha amniga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka amniga Caasimadda ayaa faray hay’adaha ammaanka in la dardargeliyo sugidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, taasoo muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buunbuunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa Al-shabaab iyo cadowga shirqoolada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo ciidanka ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed jadib qaraxii Gaalkacyo

Cabdi Cade

Museveni oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjire Cali Cagabaruur (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka oo lagu sifeeyay in uu yahay Doqon

Cabdi Cade
Taboola Ads ---