Allbanaadir.com
NEWS

Askari Maraykan ah oo xero milateri kala baxsaday gaari gaashaaman (Daawo Sawirro)

Ciidanka Booliska Maraykanka ayaa saacado eryanayay askari ka tirsan militariga Maraykanka oo xero kala soo baxsaday gaari gaashaaman.

Arrintan ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Richmond, halkaasoo baacsashada ay ka qeybqaateen boqolaal gaadiidka booliska oo iyaga oo bikaacinaya leerarka, dhawaaqna yeerinaya saacado kadib ku guuleystay in ay soo xiraan ninkii falka gaystay.

Ma jiro qof ku dhaawacmay arrintan, balse dadkii magaalada ayaa aad ula yaabay waxa dhacay.

Afhayeenka booliiska Keeli Hill ayaa shir jaraa’id ka sheegtay in gaariga uu ku socday xawli sare, balse markii dambe ay ku guuleysteen in ay xiraan ninka oo la aqoonsaday in uu askari yahay.

Lama sheegin sababta ku kaliftay falkan iyo waxa uu damacsanaa askarigan balse booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaano arintan la xiriira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad ammartay in lasoo xiro afar xubnood oo katirsan Golaha Deegaanka Caabudwaaq

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Madasha Iskaashiga Afrika & Ruushka

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) RW Rooble oo kulan deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha laamaha amniga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---