WAREEGTO
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 oo uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa & waayo-aragnimdiisa shaqo.
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Jaamac Aadan Xaaji Maxamuud loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com