Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Caan ah oo loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jabab

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxmed Cumar-Filish ayaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab loogu magacaabay Mucaawiye Muudey.

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Xamar Jajab Mucaawiye Axmed Muudey ayaa ahaa Wariye horey uga soo shaqeeyay Idaacado kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Idaacada Shabelle.

Gudoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Axmed ayaa dhawaan lagu dilay deegaanka Sarkuusta ee magaalada Muqdisho, kadib markii weerar gaadmo ah ku qaadeen kooxo mindiyo iyo baangado watay.

Qaar kamida h degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa hada waxaa Gudoomiyaal ka ah Wariyaal kasoo shaqeeyay qaar kamid ah Idaacada Muqdisho, waxaana Degmooyinka Wariyaasha Gudoomiyaasha ka yihiin kala yihiin  Shibis, Dharkeenley iyo Xamar Jajab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Go’aan adag ka qaadatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso: War Saxaafadeed xasaasi ah ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---