Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo ka carootay in Garoonka Joma Kenyatta lala bar bardhigo kuwa Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa si weyn uga carootay in garoonkeeda Diyaaradaha Joma Kenyatta ee kuyaala magaalada Nairobi lala bar bar dhigo garoomada Diyaaradaha ee kuyaala Soomaaliya.

Guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee dalka Australia Mr. Graeme Samue ayaa isbuucii hore jeediyay hadal ka careesiiyay dowlada Kenya, waxa uuna ku tilmaamay garoomada Soomaaliya iyo kuwa Nairobi kuyaala ay yihiin kuwa ay ka dhici karaan qaladaad.

Hadalkan ayuu sheegay Gudoomiyaha mar uu ka hadlayay Diyaarad ay leedahay shirkadda dulimaadka Qantas oo lagu khasbay  inay bixiso $18,000 oo ganaax ah kadib markii  si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ku yaalla dalka Australia.

“Diyaarad si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ayaa lagu horgooyay gaari si aysan u duulin laguna khasbay inay $18,000 bixiso. Ma qiyaasi kara meel dunida ka mid ah oo arrintan oo kale ay ka dhici karto, malaha marka laga reebo Soomaaliya iyo Nairobi”, ayuu yiri Samuel.

Safiirka Kenya u fadhiya dalka Australia ayaa warqad cabasho ah oo ka dhan ah hadalkan u gudbiyay wasaaradda arrimaha dibedda ee Australia, waxa uuna sheegay safiirka in nasiib daro tahay garoon weyn oo la qadariyo in lagu tilmaamo burcad badeed.

Guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee dalka Australia ayaa durbo raali galin ka bixiyay hadalka ka careesiiyay dowlada Kenya, waxa uuna sheegay in uusan ula jeedin in uu sumcad xumeeyo  garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Bakool oo howlgal lagu dilay

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo lagu riday Shan nin oo kufsi ka geestay Gaalkacyo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Xukuumadda Somalia oo bilowday daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---