Allbanaadir.com
NEWS

Vietnam oo ka Walaacsan xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya Baaqna soo saartay

Dowlada Vietnam ayaa kusoo biirtay dowladaha ka walaacsan xaalada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, kadib markii Xildhibaanada golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday mudo kordhin labo sano ah dowlada u sameeyeen.

Danjire Dang Dinh Quy, Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay, ayaa golaha amaanka kahor sheegay walaaca ay ka qabaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo caqabadaha wali hortaagan in la qabto doorasho loo dhan yahay.

Dang Dinh Quy oo gudoomiye ka ah wada hadalka is-dhexgalka aan rasmiga aheyn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee xaalada Soomaaliya, waxa uu ugu baaqey dhinacyada ay khuseyso in ay iska ilaaliyaan ficillada murugsan ee sii kicin kara xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Waxa uu ugu baaqay Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada in ay dib ugu laabtaan wadahadaladii u socday si ay heshiis uga gaaraan khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda dhaaftay,

Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in ay taageerayaan dadaalada Q/M iyo Midowga Afrika ku doonayaan in xal loogu helo xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxa uuna ku baaqay in la ixtiraamo madaxbanaanida Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo dhawaan kulan ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan wadahadaladii bur buray iyo mudo kordhinta ay dowlada sameesatay, waxa ayna golaha ku baaqeen in dib loogu laabto wadahadalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku-simaha Madaxweynaha oo Arrimo muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoonka Baarlamanka Somalia & madaxdii hore ee dalka oo kulan kale yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo Isbuuc kadib dib u bilaabay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---